SOURCE SilGor 7/1/2009 12:11:26 AM
Madaxweyne Sheekh Shariif oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 1-da Luulyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacaka Soomaaliyeed ugu hambalyeeye xuska 49-guurada ee maalinta qarannimada Soomaaliya oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Luulyo, Madaxweynaha ayaa hadda ku sugan dalka Libya

SOURCE 6/30/2009 7:01:48 PM

1-da Lulyo oo soo noqotay markii 49aad, ayadoo ay ummaddii Soomaaliyeed ee maalintaa u dabaaldegi jirtay Xorriyadda gobollada koonfureed iyo midnimadii labadii gobol ee waqooyiga iyo koonfurta ee ay Ingiriiska iyo Talyaanigu kala gumeysan jireen maanta kala qaybsan yihiin oo ay labo dal kala sheeganayaan, waxaa intaas sii dheer ayadoo dadkii degganaa caasimaddi midnimada (Muqdisho) ay maanta dushooda ka dhaceyso madaafiic iyo rasaas, halka qaarna ay ku nool yihiin geedo hoostood, qaarna intay u adkeysan waayeen isaga carareen oo ay maanta ku nool yihiin dalal ay ajnabi ku yihiin, ayaan darro, xorriyaddeenii natiijadeedi ma sidan ayey noqotay?

SOURCE SilGor 6/30/2009 2:53:04 PM
Dagaallo culus iyo Duqeymo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho
Dagaallo xoogan oo laysku weydaarsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta ka dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho, ayadoo madaafiic culculasna ay kasoo dhaceysay Xarunta

SOURCE SilGor 6/30/2009 8:55:34 AM
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Libya
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Aadan Cadde ee magaalada

SOURCE 6/30/2009 8:33:16 AM
Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo maanta ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho
Qarax miino oo ka dhacay xaafadda 21 Oktoobar ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sababayna dhimasho iyo dhaawac aya maanta lagula

SOURCE SilGor 6/30/2009 8:15:24 AM
Maamulkii Maxaakimta gobolka Sh/Dhexe oo ku hajabay inay dib u qabsan doonaan guud ahaan gobolka
Maamulkii Maxaakimta Islaamka ee horey uga arrimin jiray gobolka Shabeellada Dhexe ee ay ururrada Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin kala wareegeen gacan ku haynta magaalooyinka Jowhar iyo

SOURCE SilGor 6/30/2009 12:17:26 AM
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sheegay inay billaabayaan howlgallo lagu sugayo ammaan magaalada Muqdisho
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta sheegay in uu dhowaan bilaabanayo howlgal amniga lagu sugayo, asagoo isla mar ahaantaana ugu baaqay shacabka magaalada Muqdisho inay gacan siiyaan ciidamada ammaanka ka shaqeynaya

SOURCE shabelle 6/29/2009 8:28:08 AM
Kulamo loogu gogol xaarayo shir looga hadlayo arimaha soomaaliya iyo Suudaan oo ka socda magaalada serta ee dalka Liibiya.
Magaalasa Sirta ee dalka Liibiya ayaa waxaa ka socda Malintii labaad kulan ay leeyihiin golaha fulinta ee midowga Africa oo loogu gogol xaarayo shir ay isugu imaanayaan hogaamiyaasha iyo madaxda Ururka Midowga Africa oo lagu wado in 1-da bisha Luuliyo

SOURCE SilGor 6/28/2009 3:42:03 AM
Ciidamo Ethiopian ah oo hor leh oo soo galay qaybo ka tirsan gobolka Bakool
Ayadoo dhowaan ay dowladda Ethiopia sheegtay inaysan haatan diyaar u ahayn inay ciidamo u dirto gudaha Soomaaliya ayaa waxa lagu soo warramayaa in ciidamo Ethiopian ah oo tiro badan, aadna u hubeysan ay soo buuxdhaafiyey qaybo ka mid ah gobolka Bakool

SOURCE SilGor 6/28/2009 3:20:27 AM
Dagaal ayaa mar kale ka billowday degaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe
Dagaalo ayaa lagu soo warramayaa inay saaka dib uga qarxeen degaanka Ceel Baraf ee degmada Mahaddaay, dagaalladaas oo u dhexeeya xoogagga Xisbul Islaam iyo Al Shabaab oo isku dhinac ah iyo ciidamada Maxkamada Islaamka ee taageera Dowladda KMG

SOURCE SilGor 6/27/2009 10:11:58 PM
Tacsi Innaa lillahi wa innaa ileyhi raajicuun
Allaah ha u naxariistee waxaa maalinnimadii Jimcaha oo bishan aynu ku jirno ee Juun ay ahayd 26 . 2009 magaala Muqdisho ku geeriyootay marxuumad Saynab Ciise Ducaale. Cabdulqaadir Maxamed Cabdi (Marwaale), xaaskiisa iyo carruurtiisa iyo Aweys Xasan Xaaji(Qamarshiid) ayaa waxay tacsi u dirayaan dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay maxuumadda guud ahaan, gaar ahaan

SOURCE SilGor 6/27/2009 3:37:19 PM
Madaxweyne Sheekh Shariif oo u hambalyeeyey xukuumadda iyo shacabka reer Jabuuti
Dowladda iyo dadka reer Jabuuti ayaa maanta oo bisha Juun ay tahay 27 u dabaaldegaya sanadguuradii 32aad ee kasoo wareegtay maalintii ay madaxbannaanidooda ka qaateen gumeysigii Fransiska.

SOURCE SilGor 6/27/2009 7:07:08 AM
Ciidamo Ethiopia iyo Soomaali isugu jira oo soo galay degmada Yeed ee gobolka Bakool
Ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Ethiopian iyo maliishiyaad Soomaali ah oo ka tirsan maamulladii hore ee gobollada Bay iyo Bakool ee Dowladda KMG, kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa soo goor

SOURCE SilGor 6/26/2009 1:21:06 PM
Helicoptero joog hoose ku duulaya oo galabta lagu arkay xeebaha Muqdsiho
Diyaarado kuwo qumaatiga u kaca ah (helicopters) ayaa galabta lagu arkay meelo ku dhow dhow xeebaha magaalada Muqdisho, dayaaradahan oo joog hoose ku duulayey oo aan haybtooduna la garanayn ayaa sida lagu wado kasoo kacay maraakiibta dagaal ee fadhiya xeebaha Soomaaliya

SOURCE SilGor 6/25/2009 9:32:31 PM
Dowladda Mareykanka oo xaqeejisay inay hubeyneyso Dowladda KMG ee Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa xaqiijisay in ay sax yihiin wararkii sheegayey in Dowladda Mareykanku hub u dirtay Soomaaliya, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu fasaxay in hub loo diri karo Soomaaliya ayadoo weli aan si rasmi ah loo

SOURCE SilGor 6/25/2009 6:01:33 AM
Dhambaal qoraal ah oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif u diray kulanka wasiirada Jaamacadda Carabta
Dhambaal qoraal ah oo uu diray Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayuu Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabtu u soo gudbiyey kulanka wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Jaamacadda Carabta

SOURCE SilGor 6/25/2009 5:33:18 AM
Dowladda Mareykanka oo hub iyo dhaqaalaba ugu deeqday Dowladda KMG ee Soomaaliya
Warbixin kusoo baxday wargeyska The Washington Post ayaa sheegeysa in dowladda Mareykanka ay shixnado hub ah u soo dirtay Dowladda KMG ee Soomaaliya si ay isaga difaacdo kooxaha xiriirka la leh Al-Qaida ee halista ku ah jiritaankeeda

SOURCE SilGor 6/24/2009 4:47:19 PM
Sheekh Xasan Daahir oo mar labaad sheegay inay la dagaallami doonaan ciidan kasta oo la keeno Soomaaliya
Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa mar kale sheegay in ay la dagaallami doonaan ciidan kasta oo aajnabi ah oo dalka Soomaaliya la soo geliyo.

SOURCE SilGor 6/24/2009 12:50:03 PM
Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta oo shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya ku leh magaalada Qaahira
Wasiirada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu maanta kulan loogaga hadlaayo dagaallada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan xaaladda dalka Soomaaliya uga furmay magaalada Qaahira ee xarunta waddanka Masar

SOURCE HOL 6/23/2009 4:55:45 PM
Uganda oo sheegtay in ay Soomaaliya u direyso Ciidamo dheeraad ah haddii sidaas laga codsado
Dowladda Uganda oo ay haatan Soomaaliya Ciidamo ka joogaan ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo dheeraad ah u direyso Soomaaliya, halkaasi oo ay Dowladda Soomaaliya ku heystaan dagaallo ay kala soo

SOURCE SilGor 6/22/2009 12:29:49 PM
Kenya oo ku baaqday in Soomaaliya la taageero
Ra'iisul wasaaraha waddanka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la tageero Dowladda KMG ee Soomaaliya, waxna laga qabto oo la wiiqo awoodda kooxaha kasoo horjeeda dowladda KMG oo uu asagu ugu yeeray argagixisada

SOURCE SilGor 6/22/2009 10:15:25 AM
Midowga Afrika (AU) oo jawaab ijaabi ah ka bixiyey codsigii Dowladda KMG
Midwoga Afrika (AU) ayaa taageeray codsigii Dowladda KMG Soomaaliya ay ku dalbatay in ciidamada dalalka dariska ah ay soo galaan Soomaaliya si ay gacan u siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee

SOURCE SilGor 6/22/2009 9:46:30 AM
Madaxweyne Sheekh Shariif oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalka lagu soo rogay xukun deg-deg ah
Madaxweynaha Dowladda KMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in dalka lagu soo rogay xukun deg deg ah kaddib markii ay maalmo ka hor u soo

SOURCE SilGor 6/22/2009 8:47:23 AM
Maanta iyo xaaladda magaalada Muqdisho !
Goobihii maalmihii ugu dambeeyey lagu dagaalamayey ee waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ka jira deganaansho aan laysku halleyn karin, kaddib markii si ba'an shalay laysu weydaarsaday madaafiic iyo hoobiyeyaal

SOURCE SilGor 6/21/2009 10:29:05 AM
Shabakad Internet ka oo ay leeyihiin Xarakada Al-shabaab oo lagu soo bandhigay magaca iyo muuqaalka dagaalyahankii is qarxiyay
Bayaanka ku qornaa Afka carabiga ayaa lagu sheegay Weerarkii is qarxinta ee ka dhacay hotel Madiina ee magaalada Balad-weyne inuu fuliyay mid ka mid ah dagaalyahanada xarakada Al-shabaab al-Mujaahidiin, kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Deerow Sheekh Aadam Subeyri

SOURCE SilGor 6/21/2009 3:55:36 AM
Ciidamo Ethiopian ah oo fara badan oo ka soo tallaabay xadka soona gaaray degaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Hiiraan
Ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo buuxiyey degaanno ku dhow dhow halka lagu magacaabo Kala beyrka oo aad ugu dhow magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,

SOURCE SilGor 6/21/2009 3:27:44 AM
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagaalami doonaan ciidan kasta oo shisheeye ah oo dalka kusoo gala dalabka Dowladd KMG
Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in ciidamadoodu ay la dagaali doonaan ciidamada shisheeye ee ay dalbatay Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo ciidan kasta oo shisheeye ah oo la soo geliyo dalka Soomaaliya

SOURCE SilGor 6/21/2009 3:01:45 AM
Xaaladda Magaalada Muqdisho oo saaka deggan
Xaalad degganaansho ah ayey saaka ku waaberiisatay magaalada Muqdisho guud ahaan gaar ahaan goobihii ay maalmihii la soo dhaafay ka socdeen dagaallada u dhexeeyea ciidamada Dowladda KMG oo dhinac ah iyo xoogagga Xisbul Islaam iyo

SOURCE shabelle 6/20/2009 10:58:42 AM
Xukuumadda KMG oo galabta qaadatay go'aan dalka lagu saarayo Xaalad deg deg ah iyo baaq ay u direyso beesha Caalamka.
kadib Shir deg deg ah wasiirada Xukuumadda dowladda KMG Soomaaliya ay ku yeesheen galabta magaalada Muqdisho oo looga hadlay

SOURCE SilGor 6/20/2009 10:33:25 AM
Barlamaanka Soomaaliya oo codsaday in waddamada deriska ah ay soo fara geliyaan xaaladda Soomaaliya
Guddoomiyaha Barlamaanka KMG ee Soomaaliya Sheekh Aadan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa codsi u jeediyey waddamada Soomaaliya deriska la ah in 24 saacadood

SOURCE SilGor 6/20/2009 10:06:54 AM
Ciidamada Dowladda oo si buuxda ula wareegay goobihii saaka laga qabsaday
Dagaal aad u culus ayaa lagu soo warramayaa inuu iminka ka socda degamada Yaaqshiid iyadoo ciidamada Dowlada KMG ay dib gacanta ugu dhigeen inta badan goobihii ay saaka la wareegeen xoogagga ka soo horjeeda,

SOURCE SilGor 6/20/2009 2:20:45 AM
Dagaal saaka dib uga qarxay degmada Yaaqshiid
Dagaal culus oo saaka ka qarxay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu sababay in xoogagga Xisbul Islaam ay u suurtagashay inay la wareegaan guud ahaan gacan ku haynta degmadaasi, ayagoona ay



 
 
2008 (c) SilGor.com