Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha ciidamada Uganda





Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayey taliyaha ciidammada Melatariga dalka Uganda oo Muqdisho yimid.Madaxweynaha waxaa ku wehliyey kulanka oo ku qaabilay Taliyaha ciidammada Melatariga dalka Uganda, taliyaha ciidanka Xoogga, Abaalduulaha iyo Taliyaha ciidammada madaxtooyada Soomaaliya.

Maj Gen James Kazini, waxaa la socdey saraakiil ciidammada Uganda ka tirsan, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo gaarsiiyey farriin uu uga siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Warbixin ku aaddan howlaha ciidammada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayuu warbixin ka siiyey Madaxweynaha iyo sida dowladda dalkaasi Uganda uga go’antahay in ay sii waddo taageerada dhanka ciidammada.

Madaxweynaha ayaa u uga mahadceliyey booqashada uu Soomaaliya ku yimid iyo sida ciidammadooda ay uga howl-galaan Soomaaliya iyagoo garab siinaya walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha J. Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kooban u sharraxaya waxyaabaha kulanka diiradda ku saareen iyo guulaha laga gaaray amniga doorashooyinka gabo-gabada ku dhow.

Ciidamada dalka Uganda iyagoo ka tirsan howlgalka AMISOM, ayeey Soomaaliya yimaadeen  muddo ku dhow 10, sanno, waxaana ay ka qeyb-qaataan howlgallada nabadda iyo kuwa la dagaallanka Al-Shabaab, waana ciidanka ugu badan ee howlgalka AMISOM ka tirsan.


Add New Comment