| 
              
            
                |  Wiil Soomaali ah oo lagu Dilay Minnesota    
 Wiil Soomaali ah lagu magacaabo Cabdicasiis Yuusuf Jaamac oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool gobolka ay Soomaalidu u badanyihiin ee Minnesota ayaa u dhintay rasaas ay koox dablay ah oo saaran baabur ay ku fureen dhalinyaro Soomaali ah.
 
 Mid kale
  oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee rasaasta lagu furay ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac culus, waxaana uu haatanna ku jiraa xaalad miyir-beel ah. 
 Booliiska ayaa sheegay inaysan haatan cidna usoo qaban dilkaasi.
 
 Bulshada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa si weyn uga argagaxay dilkii ugu dambeeyey ee loo gaystay mid ka mid ah dhalinyrada Gobolka.
 
 Dilkan ayaa noqonaya kii afraad ee isla
  sannadkan gudihiisa loo gaysto qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool gobolkaasi. 
 Axmed Yuusuf Jaamac oo ay walaalo yihiin wiilka la dilay ayaa idaacadda VOA uga warramay sida wax u dhaceen.
 
 Add New Comment |  |  |