Wasiirka arrimaha dibedda dalka Ethiopia
 Tedros Adhanom ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga 
qeyb-galo munaasabadda lagu soo gabagabeynayo shirweynaha dib u 
heshiisiinta shacabka Jubbooyinka.
Tedros Adhanom iyo wafdi uu 
hoggaaminayo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan 
Cabdulle ee magaalada Muqdisho, ayadoona ay halkaasi si diirran ugu soo 
dhoweeyeen wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya marwo Fowsiya Yuusuf 
Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale.
 Ujeeddada socdaalka wasiirka 
arrimaha dibedda Ethiopia ayaa waxa lagu sheegay in uu Muqdisho u yimid 
in uu kulamo la qaato madaxda dalka Soomaaliya, isla markaana uu ka qayb
 galo munaasabadda xiritaanka shirka magaalada Muqdisho uga socda 
qaybaha isku haya arrimaha Jubba.
Wasiirka arrimaha dibedda 
Ethiopia ayaa waxa uu horey dhexdhexaadiye uga ahaa shirkii dowladda 
federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay horey ugu yeesheen magaalada
 Addis Ababa ee dalka Ethiopia, kaasoo ku soo dhammaaday is afgarad, 
sida ay labada dhinacba sheegeen.
