Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon 
“Saacid” ayaa shalay ka qeyb galay banaan baxa balaaran oo lagu taageerayay 
shirka arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo maanta ka furmay dalka 
ingiriiska.
Banaanbaxan waxaa ka qeyb galay R/wasaaraha dalka, wasiirka warfaafinta, 
wasiirka arrimaha gudaha, saraakiil ciidan, maamulka gobolka Banaadir, 
guddoomiyeyaasha dagmooyinka, Odayaal dhaqameed, Fanaaniin iyo boqolaal dad 
weyne ah oo ka kala yimid dagmooyin gobolka Banaadir.
Dibad baxan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu 
ka dhacay Beerta Nabadda ee dagmada Waaberi waxaana intii uu socday ay 
fanaaninta ku soo bandhigeen heeso ka turjumayo sida ay ula dhacsan yihiin 
shirka ka furmay London.
Ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Cali Axmed Guure oo hadal ka jeediyay 
goobta ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay si weyn u 
tageersan yihiin shirka ka furmay London.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada isgaarsiinta iyo Gaadiidka 
xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciil-mooge ayaa tilmaamay in shacabka 
Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay tageeraan nabada iyo xasiloonada 
dalka.
wasiirka ayaa intaasi ku daray in dib loo soo celinayo amaanka caasimada 
dalka, isagoona balan qaaday in dib loo howlgalinayo xarunta murtida iyo 
madadaalada Qaranka ee Tiyaatarka.
Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka xukuumadda Soomaaliya 
C/kariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa carabka ku dhuftay in shirka ka furmay 
maanta magaalada London uu yahay mid Taariikhi ah oo ay Soomaaliya xusuusan 
doonto waxa uuna ku booriyay madaxda ka qeyb galeyso shirka in ay ka soo saran 
go’aano wax gal u ah dalka.
Ugu dambeyntii R/wasaaraha dalka Mudane Cabdi Faarax shirdoon ayaa qeexay in 
dowladda Soomaaliya qorsha ay shirka uga hadleyso uu yahay mid cad waxa yaabaha 
looga hadlayana ay ka mid yihiin amaanka, cadaalada, nidaamka iyo waxyaaba kale 
oo muhiim u ah shacabka.
Dhanka kale R/wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dowladda ay 
gacan ka siyaan la dagaalanka cadawga Soomaaliyeed ee shabaab kuwaas oo 
caadeystay dhibaateynta dadka shacabka ah.