Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa 
shaqaalaha  Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada maalinta shaqaalaha 
aduunka isagoo ugu baaqey dadka loo shaqeynayo in ay dhowraan xuquuda 
shaqaalahooda.
Madaxweyne Xasan Shiiq Maxamuud ayaa waxaa uu si weyn uga hadlay munaasabada 
maalinta shaqaalaha aduunka wuxuuna u rajeeyay dhamaan shaqaalaha in ay sanadkan 
sanadkiisa ay ku gaaraan nabad iyo baraare.
Waxa uuna ku baaqay dadka Soomaaliyeed ee loo shaqeeyo in ay ilaaliyaan 
xuquuqda shaqaalaha hadii ay ahaan laheyd amaanka, caafimaadka iyo wixii la mid 
ah.
Mudane Xasan Shiiq Maxamuud ayaa intaasi ku daray in dowladda ay dhawaan 
dhaqan galineyso shuruucda shaqaalaha ee u dhaxeyso qofka shaqaalaha ah iyo kan 
loo shaqeeyo.
Ugu dambeyntii madaxweynaha dalka ayaa u rajeeyay shaqaalaha weynaha caalamka 
in sanadkan sanadkiisa kale ay ku garaan bash bash iyo barwaaqo.