Madaxwaynihii hore ee dalka Soomaaliya  Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa 
socdaal ku maraya qaar ka tirsan magaalooyinka Mareykanka, isagoo khudbado ka 
jeediyay  magaalooyinka  Atlanta, Georgia, West Virginia iyo North Carolinam 
ayaa khudbado ka jeediyay jaamacado, isagoo sidoo kale kulamo la qaatay 
masuuliyiin ay ku jiraan qaar horay xilal uga soo qabtay dalka Mareykanka iyo 
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaasi.
Mudane Shariif waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ambassador Charles R. Stith oo 
ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston, William 
Twayigize oo ah President-in-Residence Attache oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad 
Boston iyo Cumar Shariif oo ah kaaliyihiisa.
Khudbaddiisii ugu horeysay ayuu  mudane Shariif  Sheekh Axmed ka jeediyay 
jaamacada More house Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia, Khudbadda 
oo afka Ingiriiska uu ku jeediyay cinwaankeeduna ahaa Soomaaliya iyo 
mustaqbalkeeda (Somalia and it’s future) wuxuu  uga hadlay marxaladihii kala 
duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliya. Jaamacda taariikhiga ah ee Morehouse 
Collage ayaa lagu xasuustaa halgamaagii waynaa ee arimaha xuuqda insaanka gaar 
ahaan dadka madowgaa Mareykanka Martin Luther King.
Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo  la qaatay mas’uuliyiinta jaamcadda iyo 
madax hore oo ka tirsaneyd dowalda Mareekanka oo uu ka mid yahay Ambassador 
Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay  u qaabilsanaa Mareykan 
xilligii madaxwayine  Jimmy Carter,  sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada 
Atlanta 1982-1990.
Sidoo kale madaxwaynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa 
khudbed ka jeediyay  jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku 
taalla gobolka North Carolina, taas oo uu uga hadlay waxbrashada Afrika gaar 
ahaan waxbrashada Soomaliya.  Aydoo jaamacaddu ay guddoonsiisay mudane Shariif 
Sheekh Axmed haddiyado kuna amaantay marxaladdii adkeyd ee uu kasoo saaray 
 Somaliya asigoo ku guuleystay in uu dalkiisa ka saaro ku-meel gaarkii muddada 
dheer uu ku jiray iyo doorashadii dimoqoraadiga ahayd ee dalka Soomaaliya ka 
dhacday sanadkii hore.
Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku 
nool magaalooyinka Boston iyo Atlanta, Georgia. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya 
ayaa bishoo Janaayo ee sanadkaan tagay dalka Mareykanka, isagoo jaamacadda 
Boston ka bilaabay kororsi waxbarasho, sidoo kale wuxuu cilmi-baaris ku 
sameynayaa arrimaha Ammaanka, Waxbarashada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya.
Daawo sawirrada
