Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Ethiopia ayaa faahfaahin ka 
bixisay ka bixitaanka ciidamadooda ee magaalada Baydhabo ee gobolka Bay,
 waxayna sidoo kale sheegeen in ay Baydhabo ka baxeen laakin aysan 
Soomaaliya ka wada bixin, ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah 
xarakada Shabaab.
Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee 
dowlada Ethiopia Dina Mufti ayaa u sheegey wakaalada wararka u faafisa 
faransiiska ee AFP in qorshahaasi uu ahaa mid horey uu u jiray ayna 
markasta qorshaynaysay Ethiopia  in magaalada Baydhabo ay ku wareejiyaan
 dowlada Soomaaliya maadaama ay ka saareen kooxda Shabaab.
‘’Waxaa
 jiray qorshe ah in Ethioa sanad kan ay soo afjarto howlgalkeedi 
Soomaaliya.  taasi oo saldhig u ah in aanu jirin quwad military oo 
shabaab ay dad ku soo weerari karto,  ayadoo la xaqiijinayo isbedel iyo 
horumar, ‘’Ayuu yiri  Sarkalkan u hadalay wasaarada arimaha dibada ee 
Ethiopia.
Ciidanka Ethiopia ayaa  horey uga baxay magaalada Xudur 
ee xaruuinta Gobolka Bokool ayadoo wixii xiligaasi kadambeeyaayna 
ciidanka qalabka sida ay bilaabeen sidii ay u sameyn lahaayeen gaashaan 
adag oo ka dhan ka argagixisada Alqaaida.
Hadalka ka soo baxay 
xukumada Adis’abaaba ayaa ka dambeyay wax yar un kadib markii ciidanka 
militaarka Ethiopia ay faarujiyeen fariisimo miletary oo ay ku lahaayeen
 magaalada Baydhabo, waxeyna  wasaarada arimaha dibada ee dowlada 
Ethiopia  sheegtey in ciidankoodi ay ka baxeen Baydhabo Ammaankana lagu 
wareejiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.