Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh 
Maxamuud  ayaa  maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddiga Soomaaliga ee New
 Deal oo u qaabilsan diyaarinta shirka Brussels ee 16ka September 2013. 
Waxaa kulankan goob joog ahaa Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Maxamud
 Xasan Suleebaan iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha & Amniga 
Qaranka Mahdi Maxamud Cali iyo xubnaha guddiga New Deal.
Madaxweynaha ayaa guddiga kula dardaarmay sidii qorshaha qabanqaabada
 shirka 16ka September uu u noqon lahaa mid heer sare ah oo dhammaan 
dokumentiyada la horgeynayo shirka ay noqdaan kuwa lala tashtay shacabka
 Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa guddiga ku yiri “Waa in isbedel dhab ah
 uu ka muuqdaa hab-dhaqanka dowliga ah oo maanta oo aan heysanno dowlad 
rasmi ah waa in qorsheyaasha la idiin igmaday ay noqdaan kuwa si aad ah 
loogala tashto shacabka Soomaaliyeed isla markaana aad si heer sare ah 
isu abaabushaan si shirkaas uu u noqdo mid guuleysta.
“Qorshaha COMPACT oo aad diyaarineysaan waa inaad si taxadar ah uga 
fikirtaan oo dhammaan hay’adaha dowliga ah ay idinkala qeybqaataan, si 
qorshaha la gudbinayo uu u noqdo mid la jaanqaadi kara baahida shacabka 
Soomaaliyeed. Bacdamaa dib-u-dhiska dalka uu u baahanyahay uu aad iyo 
aad u tiro badan yahay haddana waa in shacabka lagala tashtaa waxyaabaha
 ay rabaan in mudnaanta gaarka ah loo siiyo, iyadoo la tixgalinayo 
duruufaha qaaska ah ee gobollada qaarkood. Waana in guddiga uu si joogta
 ah u wargeliyaa shacabka si ay ula socdaan horumarka guddiga iyo 
qabanqaabada shirka Brussels oo shacabka Soomaaliyeed ay si aad ah u 
sugayaan.”
Wasiirka Maaliyadda & Qorsheyna Qaranka oo guddiga madax ka ahaa 
ayaa u ballanqaaday madaxweynaha inay dadaalayaan oo qorsheyaasha 
qaarkood ay diyaar yihiin, isla markaana dib-u-habeyn lagu sameeyey 
hay’adihii maaliyadda si shacabka iyo caalamkuba ay kalsooni buuxda ugu 
qabaan habka loo maareynayo dhaqaalaha dib-u-dhiska dalka.