TACSI  -  INNAA LILLAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN   
          
        
          
        Waxaa dhambaal tacsi ah oo ku aaddan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuma Faadumo Xuseen Maxamed Caadleey(Faay Dheer) oo khamiis 31.12.2009 ku geeriyootay Ceelasha Biyaha ee magaalada Moqdishu. Marxuma Faay Dheer oo da'deedu aheyd 88 jir , waxayna ifka kaga tagtay 4 caruur ah,laba wiil iyo laba gabdhood.
   Ururka I.Silgor iyo dhammaan waalidka iyo walaalaha gudaha iyo qurbajooga ah waxay tacsi tiiraanye leh u dirayaan :
   Gabadheeda Xaliimo Jeelle Cabdi,iyo ciyaalkeeda  Gabadheeda Madiino Maxamuud Macallin,seygeeda iyo ciyaalkeeda  Wiilkeeda Maxamed Maxamuud Macalin(Qasaaye) xaaskiisa iyo ciyaalkiisa iyo  Wiilkeeda Muxyidiin Cumar Xasan 
  Marxuumadda waxaan Allaah uga baryeynaa inuu ka waraabiyo Jannadii Fardowsa,inta ay ka tagtay iyo  dhammaanteenna uu sabir iyo iimaan naga wada siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN  
        Add New Comment
   | 
                
                      | 
             
           
       |