Farmaajo oo Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka kula shiray Muqdisho (Daawo Sawirada).


Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta qado u sameeyey saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuu  qadada kadib la hadlay saraakiisha ciidamada wuxuuna  uga mahadceliyay adkeysiga iyo dedaalada xoogan ee ay ugu jiraan sidii dib loogu soo celin lahaa dalka Nabadii iyo kala dambeyntii muddada dheer la waayay., wuxuuna  u sheegay in dal aan laheyn ciidamo aanu jiri karin sidaasi owgeedna looga baahan yahay saraakiishu inay la yimaadaan dardar xoogan oo ay ku nidaaminayaan ciidamadooda isla markaana dalka uga saarayaan caddowga dowlad diidka ah ee diinta huwan.

Saraakiisha ciidamada ayaa iyaguna uga mahadceliyay Ra’iisal Wasaaraha casuumaadan ballaaran oo qadada ah waxayna warbixino xasaasi ah ka siiyeen howlgaladooda iyo ciidamada ay hogaamiyaan, iyagoo taakulo dhan kasta ah ka codsaday Ra’iisal Wasaaraha iyo xukuumadiisa cusub.

Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa si guud uga warbixiyay ciidamada iyo howlgaladoodii isagoo sheegay in maalmihii ugu dambeeyey dagaaladii dhacayay ay ku  naafeeyeen caddowga wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada u dagaalamaya kooxaha mucaaridku inay dagaalada joojiyaan hubkana iska dhigaan.

Admeral Faarax Axmed Cumar (Farax Qare) Taliyaha Ciidanka Badda  DKMG ah ee Soomaaliya kasoo jeediyay   warbixin iyo talo  aad u heer sareysay , waxayna si cilmiyaysan xal ugu eheyd  sida badda Sommaaliyeed looga ilaalin karo Kuwa  Qashinka haraga  Nukliyeerka  ku daadiya, kuwa  xaalufinta  ku hayaan kheraadka badda  oo sida sharci darrada ah kaga kalluumaysta  iyo Burcad badeedda Soomaliyeed ee caadaystay inay waxyeeleeyaan Maraakiibta u kala socota calamka  , warbixintaasi oo aad u cimiyaysnayd waxay noqotay mid aad loogu riyaaqay , waxuuna ballan qaaday R/wasare Farmaajo inuu Calamka la dalbayo in laga taageero sidii loo hirgelin laha howlgalka waxtarka leh ee uu Taliyaha  ciidanka Badda soomaaliyeed uu kusoo bandhigay waxbixintiisa.

Ugu dambeyntiina Ra’iisal Wasaare Maamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo shirka soo gabo gabeeyey ayaa u balan qaaday in xukuumadiisu ay la garab istaagi doonto taakulo dhaqaale iyo mid Milateriba ayna uga fadhiyaan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed inay gutaan waajibkooda Qaran ee ka saaran badbaadinta dalka iyo dadka kana hortagaan xooggaga xubaysan ee mucaaradka dowlad diidka ah.


Kulankan ayaa qeyb ka ah dedaalo uu ku doonayo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) inuu dib ugu dhiso ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed si loo helo Nidaam iyo kala dambeyn.kusoo noqota  ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed


Add New Comment