SilGor 06/10/2011 7:10:26 AM
Madaxweynihii hore e Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Saalad Xasan ayaa ka hadlay arrimaha maalmahan dambe sida weyn loo hadal hayey ee ku saabsan dib u calaamadinta xuduudda badda Soomaaliya, taasoo uu sheegay inaanan waxba laga beddeli karin.
SilGor 05/10/2011 3:48:27 PM
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xaruntii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ah goobtii uu shalay ka dhacay qarixii qasaaraha faraha badan geystay ee ay ku le'deen dad ay tiradoodu kor u dhaafeyso 70 qof.
HOL 04/10/2011 5:59:12 PM
Sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka Muqdisho 79-ruux ayaa ku dhintay qarax lala beegsaday dhismaha wakaaladdii hargaha iyo saamaha Soomaaliya oo ay daggan yihiin dhowr wasaaradood oo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas 100-qof oo kale.
SilGor 03/10/2011 4:06:16 PM
Dagaal qaraar oo caawa fiidkii soo gaaray kaddib ayey Culimaa'udiinka Ahlu Sunna wal Jamaaca u suurtagashay inay dib ula wareegaan gacan ku-heynta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud oo ay goor hore oo galabta ah dagaal kula wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab.
RM 03/10/2011 12:49:06 PM
Madaxweyhana Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka hadlay arrimo badan ayaa sheegay in dowladda ay goor dhow ay dib u billaabi doonto howl galladii aragagixisada dalka looga saari lahaa isagoo dhinaca kale sheegay in Hubka magaalada lala dhex maray la jooji si aysan shacabka dhibaato u soo gaarin.
SilGor 03/10/2011 11:28:49 AM
Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaalo xoogan ay haatan ka socdaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kuwaasoo u dhexeeya ciidamada Ahlu Sunnah wal Jamaaca iyo kuwa
SilGor 03/10/2011 11:09:35 AM
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka kala tirsan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamullada Galmudug iyo Puntland.
HOL 03/10/2011 10:13:55 AM
Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo maanta ka qaybgalay kulankii xildhibaannada baarlamaanku ay kaga doodayeen xadeynta badda Soomaaliya
SilGor 02/10/2011 2:29:26 PM
Waxaa maanta magaalada Muqdisho Degmada Madiina ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamed Xasan Nuur(Xuseen Sakuuro) 70 jir ahaa,waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa
SilGor 02/10/2011 2:14:08 PM
Gaari nooca BL ka loo yaqaan ayaa miino kula kacday agagaarka Saldhiga Degmada Kaaraan, waxaana goobtaasi ku dhintay ilaa saddex ruux oo rayid ah qaar kalana way ku dhaawacmeen.Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku suganaa degmada Kaaraan ayaa goobtaasi soo gaaray waxay
SilGor 01/10/2011 4:06:36 AM
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda u ansixiyey in mudo hal sana ah lagu kordhiyo joogitaanka iyo howlgallada ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan magaala-madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, si ay u soo celiyaan nabadda.
SilGor 30/09/2011 8:51:44 AM
Dayaarado dagaal oo aan heybtooda la garan ayaa maanta duqeeyey bartilmaameedyo ku yaalla degmada Ceelbuur iyo degaanada ku dhowdhow oo dhammaantood ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya oo ay qayb ahaan
SilGor 30/09/2011 8:15:06 AM
Markab xamuul oo sida mucaawino Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay ugu talagashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ayaa dhowaan kasoo furtay mid ka mid ah dekedaha waaweyn ee dalkaasi, wuxuuna maalmaha soo socda kusoo fool