Admiral Faarax Axmed Cumar /Faarax Qare) "Xuduuda Badda Soomaaliyeed ma ahan 12nm ee waa 200nm"




  • Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed ayaa si qayaxan u diidey mashruuc lagu doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm, shir ka dhacay Seychelles ayuuna warqad diidmo ah u gudbiyey....


amiraglio.jpgSida aan ka helayno warar lagu kalsoon yahay oo ku saabsan shir lagu soo gabagabeeyey Dalka Seychelles magaala madaxdiisa ee Victoria September 17, 2011 kaas oo looga hadlayey ammaanka gobolka Geeska Africa, ayna ka soo qayb galeen gunaanadkiisii Wasiirada Gaashaandhigga iyo Taliyayaasha Ciidamada ee Dawladaha Geeska Africa ee ku midoobey ururka loo yaqaan EASTERN AFRICA STANBDAY FORCE (EASF)*, ayaa Taliyaha Ciidammada Badda Soomaaliyeed waxa uu si qayaxan u diidey mashruuc ay soo wada diyaariyeen waddamada deeqaha bixiya qaarkood, (oo ballan qaaday maalgelinta mashruucaas haddii Dawladaha Geeska Africa ay isku raacaan), iyo Dawlado ka tirsan ururka EASF, kaas oo la rabey in la keeno Dekedda Muqdisho ciidamo ka tirsan dalalkaas si ay u ilaaliyaan nabadgalliyada dekedda Muqdisho iyo waxa loogu yeeray xuduudaha badda ee Soomaaliya , ayna gacan siyaan AMISOM.

Soo jeedintaas waxaa gaashanku ku dhiftay Admiral Faarax Cumar Axmed oo ah Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed oo shirkaas ka qayb galay, wuxuna ku tilmaamay mashruucaas mid meel ka dhac ku ah qaranimada iyo hantida ma guuraanka ee Ummadda Soomaaliyeed ay leedahay (An attack on the Somali soveregnity and the natural heritage of the Somali people), markii uu arkay, sida ku cad maababka ku jira mashruucaas, in xuduuda badda Soomaliyeed oo ay ciidamadaasi ilaalin lahaayeen (Haddiiba la oggolaado) in ay ku kooban tahay ilaa 12nm, wixii intaas ka baxsanna ay ku tilmaamaameen "International Water". (Eeg Lifaaqa 1aad).

Admiral Faarax Cumar Axmed wuxuu u qoray Taliyayaashii Ciidamada ee shirkaas ka qayb galay iyo shir-guddoonkoodaba warqad caddayn ah (Eeg Lifaaqa 2aad) oo uu ku sharraxayo in Somalia ay ledahay xuduud badeed waafaqsan xeerarka badaha caalamka sida ku cad (Law No. 37 on the Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972) (Eeg Lifaaqa 3aad). Sharcigaas oo ay ku caddahay in xuduuda badda Somaaliyeed ay tahay 200nm ama 370 Km, isaga oo ka soo sheekeeyey qaababkii uu soo maray diyarinta iyo hirghelinta sharcigaa Law 37, sida ku cad warqaddiisa, maadaama uu ilaa waqtigaas uu ka tirsanaa Taliska Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Wuxuuna shirguddoonka ka dalbaday qodobada kala ah:

  • In cidda ku tilmaantay xuduuda badda ee Soomaaliya in ay tahay 12nm, in ay hor keenaan shirguddoonkan qaanuunka ay arrintaas u cuskanayaan, maadaama uu isagu cuskanayo qaanuunka sare ku xusan oo qeexaya in xaduud badeedkanagu yahay 200nm.
  • In gebi ahaanba laga saaro ajendaha laga doodayo shirkaas mashruucaan wax yeelaynaya qaranimada xuduudaha badda Soomaliyeed.
  • In raalli gelin (Apology) ay ka bixiyaan ciddii soo diyaarisay mashruucan looga been sheegayo xuduud badeedka Soomaaliyeed iyada oo sharciga ah ee ay leedahay Ummadda Soomaliyeed,

Faarax Qare121.jpg

Kaddib markii Dawladihii mashruucan gadaal ka riixayey ay soo hordhigi waayeen shirguddonka wax qaanuun caalami ah oo beddeley Law No. 37 ee Territorial Sea and Ports, of 10 September 1972, Shirguddoonkii waa uu ka aqbalay codsiyadii Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Faarax Cumar Axmad, raali gelin ayaana halkaas looga soo jeediyey Soomaaliya, sida qaldan oo loogu xusay xuduud badeedka Soomaaliya dokumentiighii mashruucaas lagu soo diyaariyey, iyo iyada oo mashruucaas gebi ahaantiis laga saaray go'aamada laga soo saarayey shirkaas, maadaama ay Soomaaliya caddaysay in aysan u baahnayn in ciidamo shiisheeye oo ka socda Dawladaha ku jira EASF.


meeting.jpg

Kulanka lagu qabtay dalka Seychelles ee Eastern Africa Standby Force Coordination Mechanism (EASFCOM) waa kulankii 11aad ee ay yeeshaan saraakiisha iyo taliyayaasha ciidamada ee 10 dal ku jira ururkaas.


Admiral22.jpgAdmiral Faarax Qare ma aha markii ugu horesey ee uu difaaco Badda Soomaaliya. Waxay ahayd June 3, 2009 markii uu Muqdisho ku qabtay shir jaraa'id oo ku caddeeyey qaabka ay u cabiran tahay badda meesha u dhaxaysa laba dal. Xilligaas oo DFKMG ay heshiis is-afgarad ah la gashay Kenya oo lagu leexinayey cabbirka badda, ayuu waxa uu Admiral Faarax Qare yiri "Laba dawladood hadday deris yihiin Qaanuunka Dawligu wuxuu qabaa iyo kaayaga lafteedu labaduba wuxuu qabaa in ay u dhaxayso khad taagan, xarriijin taagan oo sagaashan digrii ah (90o) in ay u dhaxayso, ilay waad ogtihiin haddii 90o khad qaadato labada dhinacba sagaashan ayey ka tahay, waa u simanahay, khadkaas ayaa dhexdayada taagan, kaas ayaa la sii jiidayaa, kaas ayaana xuduud ah sidaas ayaana Qaanuunkeenu qabaa, qaanuunka dawliguna qabaa, marka waxaan filayaa anaga iyo Kenya waxaan isaga hor nimdaanoba meesha kuma jiraan."


*EASF Dawladaha ku midoobey waxaa ka mid ah: Burundi, Comoros, Djibouti, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Seychelles, Somalia, Sudan, Uganda. Waxaana ururkan la asaasay 2004: http://easfcom.org/HTML/About_Us.html

warqad.jpg

warqaddii uu qoray Admiral Faarax Qare

Add New Comment