Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya oo magaala New York kula kulmay ra'iisul-wasaaraha Turkiga


PM2B.jpgRaisul-wasaarayaasha Soomaaliya iyo Turkiga Cabdiwali Maxamed Cali iyo Racep Tayyip Erdogan oo labaduba ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku kulmay magaalada New York  ee dalka Mareykanka.

Ra'iisul-wasaare Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu ay ka go'antahay is garabtaagidda shacbiga iyo dowladda Soomaaliyeed. Mr. Erdogan wuxuu xusay in dalkiisu uu Muqdisho ka furtay safaariddii uu ku lahaa Soomaaliya, sidoo kalena ay billaabeen qaar ka mid ah mashaariicdii ay u ballan qaadeen Soomaaliya oo ay ku jiraan cusbitaal, dayactirka wadooyinka, gegida dayaaradaha, dugsiyo iyo mashaariic kale oo fara badan.

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli ayaa dhankiisa Mr. Erdogan uga mahad celiyey tallaabadii geesinimada lahayd ee uu kusoo booqday magaalada Muqdisho, taasoo caalamka u horseeday in lagu soo dhiirrado in gargaar lala soo gaaro shacbiga Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ku dhuftay dalka.

Ugu dambeyntii mudane Racep Tayyip Erdogaan waxa uu ballan ku qaaday inuu isu taagayo sidii uu madaxda dalalka caalamka uga dhaadhicin sida ay waajibka ugu tahay in ay ka wada qayb qaataan xal u helidda dhibaatada dalka Soomaaliya.



Add New Comment