Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo magaalada New York kaga
qeybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada
Midoobey ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga Franco
Frattini oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya.
Labada mas'uul ayaa wadahadalkoodaasi kaddib kala saxiixday heshiis horumarineed oo ay dowladda Talyaaniga ku
fasaxeyso lacag dhan ku dhowaad ilaa 15 milyan oo Euro, taasoo dowladda Talyaanigu sanadkii 1988-dii u ballanqaaday dowladdii burburtay ee Kacaanka.
Heshiiska ay Dowladda Talyaanigu horey ula gashay dowladdii burburtay ee Soomaaliya ayaa waxa uu la xiriiray horumarinta wax soo saarka dalka Soomaaliya, hase ahaatee intii aan heshiiskaasi la fulin ayaa waxa meesha ka baxay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo ku burburtay dagaalladii ahliga ahaa ee dalka ka billowday horraantii sanadihii 90-maadka.
Shir-jaraa'id oo ay labada dhinac wada qabteen saxiixidda heshiiska kaddib ayaa wasiirka arrimaha dibedda ee Talyaanigu ku sheegay in dalkiisu ka go'an tahay in la sii xoojiyo xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo in dalka Soomaaliya laga caawiyo dhinacyada mashaariicda horumarinta iyo dib-u-dhiska.
Ra'iisul wasaare Cabdiweli oo asagana shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyey taageerada ay siiso dalka Soomaaliya iyo qabanqaabada shir caalami ah oo dhowaan lagu qaban doono dalka Talyaaniga kaasoo ay dowladda Talyaanigu martigelineyso.
Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga Franco Frattini ayaa waxa uu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ku casuumay inuu soo booqdo dalka Talyaaniga si uu ula kulmo ra'iisul wasaaraha Talyaaniga Silvio Berlusconi.