Mwai Kibaki oo Qaramada Midoobay ka dalbay in Soomaaliya la geeyo ciidamo dheeraad ah



Madaxweynaha Dalka Kenya Mwai Kibaki oo haatan magaalada New York ee dalka Mareykanka kaga qayb galaya shirka guud ee Qaramada Midoobay ayaa caalamka ugu baaqay in dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen lagu caawiyo gudaha dalkooda.

Mr. Kibaki ayaa sidoo kale mar uu magaalada New York kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon u sheegay in Soomaaliya la keeno ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, howlaha ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliyana la hoos geeyo Qaramada Midoobay si nabad loogu soo dabaalo Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu aad u soo dhoweeyey la wareegidda ay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM la wareegeen gacan ku heynta inta badan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in loo baahan yahay in la kordhiyo ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho si ay u hantaan guud ahaan gobollada dalka ee ay haatan ka taliyaan xoogagga Xarakatu Shabaab.


Add New Comment