Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo Maanta booqday Suuqa weyn ee Bakaaraha, isagoo dib furay suuqa


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday markii ugu horreysay tan iyo loo doortay xilka madaxweynimo ee Soomaaliya suuqa weyn ee Bakaaraha, isagoo isla maanta dib u furay suua, waxaana madaxweynaha ku wehliyay booqashada xubno ka tirsan golayaasha dowladda KMG ah.

"Fursad weyn ayay ii tahay dhab ahaan - inaan maanta furo suuqa Bakaaraha, suuqan muhiim ayuu u yahay nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho, waayo waxaa taalla hantida shacabka Soomaaliyeed, ganacsiguna wuxuu ka mid yahay waxyaabaha muhiimka u ah oo aan la'aantii nolosha la maareyn karin," ayuu yiri Sheekh Shariif oo saxaafadda iyo dadweyne isku soo baxay kula hadlayay gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii uu suuqu u noqdo la'aan mid ammaan ah oo gancasiga uu ka socdo. Isagoo mahad u celiyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay sugeen ammaanka suuqa iyo hantida dhex-taalla.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in ciidamadu ay suurogeliyeen inaysan wax dhibaato ah ka dhicin suuqa, isagoo intaas ku daray in ganacsatada suuqa ay mas'uuliyad ka saaran tahay inay qayb ka qaatana sugidda ammaanka.


furitaan1.jpg

"Ganacsatada xil weyn ayaa saaran, waxaa laga yabaa in barigii hore laga fikiri jiray faa'iidada la helayo, laakiin waxaan rabnaa inaan faa'iido keliya laga fikir oo laga fikiro maxaa ummadda Soomaaliyeed horumar u ah," ayuu yiri Sheekh Shariif, isagoo intaa ku daray: "Ummadda Soomaaliyeed waxaa horumar u ah in faa'iidada la raadinayo ay noqoto mid kooban, badeecadaha la keenayana ay noqoto mid tayo leh."

qudbad.jpg

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ganacsatada laga doonayo inay horumarka iyo nabadda qayb ka qaataan, wuxuuna xusay in qofka aan xoolo haysan uu dareemi karo nabadda, balse ay aad u wanaagsanaan lahayd in ganacsatadu ay dareemaan nabadda.


kormeerka.jpg

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in nabadda hadda jirta uu dhiig badan ku baxay, isagoo sheegay in ujeeddadu ay ahayd danta guud ee ummadda, wuxuuna daboolka ka rogay in shacabka Soomaaliyeed ay dareemeen dhibka ay leedahay dowlad la'aanta - dowadnimaduna ay tahay shay qaali ah, isagoo ku boorriyay shacabka in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo soo cleinta iskaashigii iyo is-dhexgalkii bulshada Soomaaliyeed.

Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ka mid yahay goobihii ay labadii sano ugu dambeeyay awoodda badan ku lahayd Xarakada Al-shabaab, balse ay si lama filaan ah uga baxeen horraantii bishii Ogoosto ee sannadkan, waxaana tan iyo xilligaas gacanta ku hayay ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.