
Dagaal u dhexeeya ciidamada Dowladda KMG iyo ku Midowga Afrika ee AMISOM oo isku dhinac ah iyo kuwa Al Shabaab ayaa saakay ka qarxay qaybaha waqooyi-bari ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.
Ciidamada huwanta ah ee Dowladda iyo AMISOM ayaa aroornimadii maanta u ruqaansaday aagagga fog fog ee degmada Kaaraan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab, gaar ahaan xaafadaha Argentiin, Gubadleey iyo xaafado kale oo degmada ka tirsan, waxaana lagu soo warramayaa in aagaggaasi uu ka dhacay iska horimaad laysu adeegsaday noocyada hubka.
Xoogagga Al Shabaab ayaa waxa gacantooda ka baxay guud ahaan xaafadihii degmada Kaaraan, waxayna ciidamada Dowladda iyo AMISOM gaareen ilaa iyo cusbitaalka Keysaneey, waxayna saldhigyo ka sameysteen goobaha qaar.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay degmada Kaaraan, hase ahaatee waxaa la soo sheegayaa in ay jiraan dad wax ku noqday dagaalka oo isugu jira rayid iyo xoogaggii dagaallamayeyba.
Waxa soo baxaya warar kale oo sheegaya in ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan inay sidoo kale isku fidiyaan degmooyinka Heliwaa iyo Dayniile ee gobolka Banaadir oo ah labada degmo ee qura ee ka tirsan gobolka ee ay weli qaybo ka mid ku sugan yihiin Al Shabaab.