
Madaxweynihii hore e Soomaaliya Dr. Cabdiqaasim Saalad Xasan ayaa ka hadlay arrimaha maalmahan dambe sida weyn loo hadal hayey ee ku saabsan dib u calaamadinta xuduudda badda Soomaaliya, taasoo uu sheegay inaanan waxba laga beddeli karin.
Dr. Cabdiqaasim oo aad uga careysnaa arrintaan soo noqnoqotay ayaa ka dhawaajiyey inaan xudduudaha badda Soomaaliya ee caalamiga ah aan waxba laga beddeli karin, ciddii isku daydo inay wax ka beddeshana ay ku sifoobi doonto qayaano qaran.
"Badda Soomaaliya waxay ka kooban tahay 12 mayl oo xuduudda caadiga ah iyo 200 mayl oo xuduudda dhaqaalaha ah, waxaana sidaas dajisay xukuumaddii hore oo aan ka mid ahaa, mana jirto cid bedeli karta," ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad oo sheegay in heshiiskii isfahamka dhinaca badda ah ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya uu ahaa mid sharci-darro ah.
Dr. Cabdiqaasim ayaa xukuumadda Soomaaliya iyo shacabkaba ugu baaqay inay ka hortagaan qorshayaashaas la doonayo in lagu xadeeyo badda Soomaaliya, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka codsaday in la xoojiyo ciidanka badda Soomaaliyeed si ay biyaha Soomaaliya uga ilaaliyaan maraakiibta shisheeye ee kusoo xadgudbaya kheyraadka badda Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay sameeyaan dibadbaxyo ay ku muujinayaan shucuurtooda ku aaddan diidmada ay diiddan yihiin in lagu soo xadgudbo xuduudaha badeed ee dalkooda.
Baaqa Dr. Cabdiqaasim ayaa yimid xilli maalmihii ugu dambeeyey aad loo hadal haayey arrinta ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya taasoo xitaa ay doodo kulul ka yeesheen mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya iyo warbixinno ayka dhegeysteen mas'uuliyiinta hay'adaha dowladda Soomaaliya ee ku shaqada leh arrintan.