Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka mudane Cabdisamad Macallim Maxamuud oo ay la socdaan xubno uu ka mid yahay la-taliyaha Madaxweynaha ee amniga qaranka mudane Cabdulqaadir Macallim Nuur ayaa maanta booqday goobihii shalay ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM.
Wasiirka iyo mas'uuliyiintii la socotay ayaa waxa goobihii ay booqdeen ka mid ahaa Isgooyska Muqdisho Stadium, Ex control Balcad, Isgooyska Fagax, Warshadda Baastada, Cusbitaalka SOS, xarunta iyo saldhigga degmada Heliwaa, waxaana goobahaas oo dhan mas'uuliyiinta dowladda kusoo dhoweeyey warbixnna ku siiyey Abaanduulaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdikariim Dhagabadan.
Mudane Cabdisamad iyo xubnihii la socday ayaa waxa kale oo ay booqdeen degmada Dharkeeynleey, saldhigga Booliska Galbeed ee gobolka Banaadir iyo dhismahii Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee ay dhowaantan Al Shabaab ku weerareen qarax ismiidaamin ah oo ay ku geeriyoodeen dad aad u fara badnaa oo rayid ahaa.
Wasiirka ayaa mar uu saxaafadda la hadlayey sheegay sida uu ugu rajo weyn yahay in lagu guuleysan doono qorshaha ciidamada qalabka sida ee ku aadan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, wuxuuna intaa raaciyey in xukuumaddu ay diyaar la tahay taakuleynta ciidanka, wuxuuna ugu dambeyntii shacbiga ka barakacay degaannada ay dirirtii ugu dambeysay ka dhacday in dib guryahoodi ugu soo laabtaa, kaddib marka ay ciidamadu caddeeyaan in amaanku sugan yahay.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxa goobahaas ay booqdeen kaga hor yimid dadweynaha ku haray degaannadaas oo aad u soo dhoweeyey guulaha is daba joogga ah ee ay gaareen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.