Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdigii uu horkacayey ayaa gaaray magaalada Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan, kaddib markii ay xalay saqdii dhexe ka duuleen garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa ay casumaad ka heleen madaxda dalka Koonfurta Suudaan oo maanta si buuxda ugu dhawaaqi doona dowlad madax bannaan oo ka go'day waqooyiga Suudaan, waxaana munaasabaddaasi ka qaybgeli doona madax fara badan oo ka kala socda Afrika iyo adduunkaba.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah wasiirka arrimaha dibeedda ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, wasiirka warfaafinta Cabdikariim Jaamac, xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Xildhibaan Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo madaxa hay'adda nabadsugidda Qaranka Axmed Macallim Fiqi.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa si diirran garoonka dayaaradaha magaalada Jubba ugu soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfurta Suudaan Mr. Deng Alor iyo madax kale, waxaana wafdiga Soomaaliya halkaas uga horreeyey wafdi kale oo uu hoggaaminayey madaxweynaha Somaliland mudane Siilaanyo oo ayagana lagu casuumay munaasabadda.
Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa noqon doonta dalka 54-aad ee madaxa bannaan ee ku soo biira dalalka qaaradda Afrika, kaddib dagaal qaatay in ka badan 25 sano oo ay la galeen dowladda Suudaan, taasoo dhexdhexaadin dheer kaddib lagu heshiiyey in shacbiga Koonfurta Suudaan afti laga qaado, aftidaas oo kusoo dhammaatay in wax ka 99% ay u codeeyeen inay ka go'aan Suudaan inteeda kale.