Wilaayada Islaamiga ah ee Shabeellada hoose ayaa hirgelisay xero aad u weyn oo
loogu talo-galay in lagu daryeelo barakacayaasha kasoo hayaamaya deegaanadii ay
ku noolaayeen sababo la xiriira abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
Xerada loo diyaariyay dadka barakacayaasha ah ayaa lagu magacaabaa xerada
barakacayaasha ee Aala-Yaasir, waxayna ku taallaa garoonka diyaaradaha ee lambar
50 oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, waxaana loogu diyaariyay halkaas
adeegyadii ay u baahnaayeen dadkaas ay abaaruhu soo barakiciyeen.

Xerada ayaa waxaa ka socda raashin qaybin loo sameynayo dadka barakacayaasha
ah, iyadoo masuuliyiinta xerada ay sheegeen in qoys walba oo halkaas ku sugan ay
siiyeen wixii raashin ah oo ay ku noolaan lahaayeen muddo 15-maalmood ah oo soo
socota, sidoo kalena markii ay ka dhammaato lasiin doono garaar kale.
Sidoo kale, xerada ayaa waxaa laga hirgeliyay dibu-dejin dadka soo barakacay
iyadoo maamulka Islaamiga ah uu qaybiyay teendhooyin aad u wanaagsan iyo baco
loogu talo-galay in dadku ay roobka ka dugaashadaan.

Arrinta caafimaadka ayaanan iyaduna goobta ka maqnayn, iyadoo xerada ay ka
howl-galaan dhaqaatiir isugu jira rag iyo dumar kuwaasoo dawayn lacag la'aan ah
u sameeya barakacayaasha, sidoo kale waxaa jira masaajid iyo dugsi Qur'aan laga
dhigto oo laga dhisay xeradaas si ay barakacayaashu uga faa'iideystaan wax
barashada iyo cibaadada.

Masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa
gobolka Shabeellada hoose ayaa si joogta ah kormeer ugu taga xerada Aal-Yaasir
si ay u hubiyaan habsami u socodka howlaha gurmadka abaaraha ah ee halkaas ka
socda.
Masuuliyiinta booqday xerada shalay oo Arbaco ahayd ayaa waxaa ka mid ahaa:
Sheekh Xasan Daahir Aways, Sheekh Xasan Maxamad Cali, Sheekh Maxamed
Abu-Cabdalla iyo Inj. Xuseen Xaaji Cabdi "Aw-gaab" oo isagu ah mas'uulka ugu
sarreeya gudiga gurmadka abaaraha Shabeellada hoose.

Inj. Xuseen Aw-gaab oo warbaahinta kula hadlay gudaha xerada Aala-Yaasir ayaa
sheegay in xerada ay hadda ku jiraan 1,500-qoys oo kasoo kala barakacay qaybo ka
mid ah gobollada dalka, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan in tiradu ay intaas
kasii badato maadaama ay dadku weli kusoo qulqulayaan xerada.

Sheekh Xasan Daahir oo isguna warbaahinta la hadlay ayaa u mahad-celiyay cid
walba oo gacan ka gaysatay hirgelinta xeradaas, wuxuuna ugu baaqay dadka
Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta inay xil gaar ah iska saaraan sidii loo
samata bixin lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Dhawaan ayay ahayd markii Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay shaaca ka
qaadeen inay dib-u-habayn u sameyn doonaan guddiga gurmadka abaaraha dadka soo
barakacay, si sare loogu qaado wax qabadka ay dadkaasi ka helayaan dhanka
maamullada Islaamiga ah ee ka jira Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.