Danjire Mahiga oo Muqdisho kula kulmay Madaxda DKMG ah, kana mahad-celiyay ansixintii heshiiskii Kampala


Wakiilka xoghayaha UN-ka ee Arrimaha Soomaaliya dajire Augustine P. Mahiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho ku tagay safar gaaban, wuxuuna kulammo kala gooni-gooni ah la yeeshay madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

Danjire Mahiga, ayaa ugu horreyn kulan la yeeshay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali, iyagoo markii uu kulankooda dhamaaday si wadajir ah ula hadlay saxaafadda, iyagoo sheegay inay kawada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo xaaladda amni ee uu dalku marayo.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qodobbadii ugu waaweynaa ee uu kala hadlay dajire Mahinga ay ka mid ahayd sidii lagu xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Qarammada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, danjire Mahiga wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo ansixintii ay shalay xildhibaannada baarlamaanku ansixiyeen heshiiskii Kampala, isagoo xusay in taasi ay guul u tahay dowladda KMG ah iyo shacabka Soomaaliyeed.

Intaas kaddib dajire Mahiga wuxuu kulan kale la qaatay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo markii uu dhamaaday kulankooda ay sheegeen inay uga hadleen xaaladda dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay inuu kala hadlay xaaladaha dalka gaar ahaan abaaraha taagan, ayna isla garteen in shacabka lala soo gaaro gargaar deg-deg ah, sidoo kalena ay ka hadleen shirka wadatashiga ah ee lagu qaban doono Muqdisho, balse maalinta Khamiista ah ay Muqdisho soo gaari doonaan wafdi ka socda Qarammada Midoobay markaasna la shaacin arrimaha ku saabsan shirkaas.

Danjire Mahiga oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Shariif Xasan uu u sheegay in barakacayaal badan ay maalin walba soo galaan Muqdisho, isagoo xusay in Qarammada Midoobaybay ay qorsheynayso inay qabato kulan caalami ah oo lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen.

Ugu dambeyn, wakiilka xoghaya guud ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyagoo kulankooda oo ahaa mid ay albaabbadu u laaban yihiin la sheegay inay uga hadleen xaaladda dalka iyo halka lagu qabanayo shirka wada-tashiga ah ee lagu qabanayo Soomaaliya.


Add New Comment