Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta rartay qaar ka mid ah barakacayaashii ka yimid gobollada dalka qaarkood, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku soo qulqulayey dhismayaal burbursan iyo fagaarayaal ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.
Dadka barakacayaasha ah ee ay dowladdu rartay ayaa waxaa loo qorsheeyey in dib loo dejiyo goobo cayiman oo ka tirsan degmada Dharkeenley, waxaana rariddooda iska kaashaday guddiga gurmadka abaaraha ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir, Iskaashatada Gaadiidleyda iyo qaybaha bulshada.

Dadkaasi barakacayaasha ah ayaa waxa lagu galbiyey kolonyo baabuur waaweyn ah oo nooca xamuulka ah, ayadoo dhinaca kalena guddiga furmadka dowladda iyo maamulka gobolka Banaadirna ay sii diyaariyeen meelihii dadkaasi la dejin lahaa iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin, sida teendhooyin, musqulo, goobo caafimaad iyo goobo biyaha lagu keydiyo.
Dadkaasi barakacayaasha ah ee beryahan ku dhibaateysnaa gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxa maanta wejiyadooda laga dheehan karay farxad iyo ayagoo ay rajadii dib ugu soo noqotay, waxayna dadkaasi aad ugu mahadcelinayeen Allaah subxaanahu wa tacaalaa iyo dowladda KMG, maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada walaalahood ah ee reer Muqdisho oo ayagoo qudhooda dhibaateysan wixii ay qaban kareen aan ka hagran walaalahood Soomaaliyeed.



