Barlamaanka Soomaaliya oo isku raacay ansixinta heshiiskii ay madaxda Dowladda KMG ku kala saxiixdeen magaalada Kampala


Xildhibaanad Barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay kulankoodii maanta ku ansixiyeen heshiiskii madaxda dowladda KMG kusoo kala saxiixdeen magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda horrentii bishii tagtay ee Juun.

Kulanka xildhibaanada ayaa maanta ka duwanaa sidii shalay, hase ahaatee si adag bay xildhibaanadu uga doodeen qodobadii ku qornaa heshiiskaas taas oo qaadatay saacado badan, ka hor intii aysan ansixinin heshiiska Kampala.

Kaddib markii xildhibaanadu wada aqristeen qodobbadii ku qornaa heshiiska ayna si adag uga doodeen ayaa guddoomiyaha barlamaanku waxa uu codsaday in cod loo qaado ansixinta heshiiskaasi, waxayna natiijadu ku dhammaatay in 393 ka mid ah 436-dii xildhibaan ee kulanka soo xaadirtay ay u codeeyeen ansixinta heshiiska.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kulanka shir-guddoominayey ayaa ku dhawaaqay in heshiiskii Kampala sidaas lagu ansixiyey uuna dhaqan galayo wixii markaasi ka dambeeya.



Add New Comment