Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo
wafdigii uu hogaaminayey ayaa gaaray magaalada Dar-es-Salam ee dalka
Tanzania, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha dalkaasi mudane Jakaya Kikwete.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa labadii maalmood ee tagay booqasho ku joogay magaala-madaxda dalka Uganda ee Kampala oo ay kula kulmeen madaxweynaha dalkaasi Yuweri Museveni oo ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho.
Intii uu magaalada Kampala ka socday kulankii labada madaxweyne ayaa waxa uu madaxweyne Museveni ballanqaaday in dalkiisu uu ku kordhin doono ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM 2000 oo askari, kuwaasoo qayb ka noqon doona howlagallada ka socda magaalada Muqdisho.
Socdaalka madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ku soo beegmay xilli ay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM u soo gacan galeen inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, kaddib markii Xarakatul Shabaab ay isaga baxeen inta badan goobihii ay magaalada kaga sugnaayeen.