Kulan looga arrinsanayo amaanka oo maanta lagu qabtay Dugsiga Sare ee Boliiska magaalada Muqdisho


Wasiirk arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Dowladda KMG ee Soomaaliya mudane Cabdisamad Macallim Maxamuud ayaa maanta Dugsiga Sare ee Booliska ee magaalada Muqdisho kula kulmay saraakiisha ciidanka boliiska Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa waxaa loogaga hadlay sidii loo sugi lahaa amaanka magaalada Muqdisho, kaddib markii si lama filaan ah ay magaalada uga baxeen qaar ka mid ah ciidamadii Xarakatul Shabaab ee difaacyada ku lahaa aagagga hore ee qaybo badan oo magaalada ah.

Saraakiisha ciidanka boliiska oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen sida ay uga go'an tahay inay wax uga qabtaan soo celinta kala dambeynta iyo xasiloonida goobihii ay dhowaanta banneeyeen xoogaggii dagaalka kula jiray ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, sidoo kalena ay ciidamo boliis ah geyn doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka oo kulankaasi ka hadlayey ayaa waxa uu saraakiisha ciidanka boliiska Soomaaliyeed kula dardaarmay inay kaalinta kaga aaddan ka qaataan soo celinta amniga iyo kala dambeynta caasimadda, taasoo uu tilmaamay inay suurtagal tahay inay dhacaan falal lagu xagaldaacinayo amaanka guud ee magaalada.
Mudane Cabdisamad waxa uu intaa ku daray in Dowladda KMG ay gacanta ku heyso inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, hase ahaatee ay weli jiraan goobo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah dagaalyahannadii Xarakatul Shabaab, dagaalkuna uusan weli dhammaan ilaa iyo inta dowladdu ay gaareyso dalka oo dhan.

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxa ay si taxadar leh ugu sii fideysaa qaybaha magaalada ayadoona si aad ah laysaga ilaalinayo inay dhacaan dagaallo gaadmo ah oo ay soo qaadaan dagaalyahano Al-Shabaab ah oo la rumeysan yahay inay weli ku sugan yihiin degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Add New Comment