Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Maxamud
Axmed Nuur “Tarzan” ayaa waxa uu daboolka ka qaaday sida maamulkiisa udoonayo
in loo bad baadiyo hantida shacabka ee taalo gudaha Magaalada Muqdisho oo
xiligaani ay ka socdaan isbadalo waa weyn oo dhanka maamulka ah.
Gudoomiye Tarsan ayaa ugu horeynw axa uu ka hadlay hantida taalo suuqa
bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya isla markaana ee taalo Hanitada ugu
badan ee shacabka Soomaaliyeed iyadoo wal wal xoogani kajiran mustaqbalka suuqa
iyo hantida taalo.
Duqa Muqdisho waxa uu daboolka ka qaaday in gudi iyo ciidan gaar ah ay
usaareen hanaanka maamulka Suuqa bakaaro isla markaana ay go’aan ku gaareen in
suuqa mudo sadex maalin aan lagali Karin waxna lagala bixi Karin.
“Mudo Sadex Maalin waxa go’aaminay inaan gudaha suuqa lagalin waxna lagala
bixin”, “Ilaa inta laga kala saarayo dadka hantida leh iyo kuwa kudhax Milan”
ayuu yiri Gudoomiye Tarsan oo dhanka kalena niyad wanaag ka muujiyay sida
maamulkiisa ugu guuleesan karaan dib usoo celinta Nabad iyo kala dambeen
kadhalata magaalada xudunta u ah Fowada Soomaaiya ee Muqdisho.
Suuqa bakaaraha oo in mudo ahaa mid kamid ah saldhigyada kooxda shabaab ay
weerarada militari kaga qaadi jireen Madaxtooyada Soomaaliya isla markaana mar
walba dhibaato xoogani kasoo gaari jirtay shacabka soomaaliyeed ayaa xiligaani
waxa uu gacan kuheyntiisa si buuxda ula wareegtay Dowlada Soomaaliya waxana
looga fadhiyay madax iyo ciidanba iney bad baadiyaan Hanitda shacabka ay
mas’uulka uyihiin.
Dhanka kale Gudoomiye Tarsan waxa uu ka hadlay xaaladihi ugu dambeeyay ee
barakacayaasha dib uga baxay kaamki Bad-baado kadib marki rabshado dad
kudhinteen ee halkaasi ka dhaceen.
Mudane Tarsan ayaa shaaca ka qaaday iney jiraan horjoogayaal katirsan kuwa
maamula kaamamka muqdisho oo doonayay iney dadka geeyaan kaamam si sharci daro
ah ay ku maamulaan iyagoo xataa lacag kubixiyay si ay dadka uga barakiciyaan
kaamka bad baado.
“Dhacdadi ka dhacday kaamka bad baado waxa xusid mudan in dadki kudhintay ay
ahaayeen kuwi boobka waday oo haba yaraatee eesan kujirin dadki masaakiinta
ahaa” waxana tilmaami karaa in dhacdadaas ay ka dambeeyeen kooxo abaabulan oo
kayimid kaamamka kale ee magaalada kuwaasi oo doonayay in dadka laga barakiciyo
halkaas si ay ugeeyaan kaamamka ay sida sharci darada ku maaamulaan mana laga
aqbali doono”.
“Waxa Dib ugu soo celinay kaamki bad baado dad lageeyay Agagaarka Sayidka iyo
Xamarweyne kuwaasi oo inoo sheegay in lacago lagu siiyay si looga barakiciyo
Kaamka bad baado “ ayuu yiri Mudane Tarsan.