Madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul-wasaare Cabdiweli oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed iyo Ra’isul-wasaarihiisa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa goor dhoweyd ayagoo wadajira ka hadlay isbeddelka ku yimid xaaladda magaalada Muqdisho, kaddib markii ay Xarakatul Shabaab ay isaga baxeen guud ahaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayaa waxa ay ka hadleen xasuuqii shalay ay ciidamo ka tirsan dowladda u geysteen dad barakacayaal ah oo ku jiray xerada Badbaado iyo ka bixitaanka ay Shabaabku ka baxeen goobihii ay caasimadda Soomaaliya kaga sugnaayeen.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo hadalka ku horreeyey ayaa tacsi u diray dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay dhacdadii xerada Badbaado, asagoona sheegay in kuwii ka dambeeyey sharciga la hor keeni doono ayna muteysan doonaan ciqaab adag.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay isbedelka ku yimid xaaladda magaalada Muqdisho, kaddib markii dagaalyahannadii Xarakatul Shabaab ay gebi ahaanba banneeyeen goobihii ay kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, taasoo madaxweynuhu uu ku sheegay inay astaan cad u tahay burburka ku yimid Al-Shabaab.

Sheekh Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay inaysan ku degdegin goobaha ay ka baxeen Al-Shabaab, taasoo uu sheegay in Al-Shabaab ay mar kasta maleegaan shirqoollo lagu dhibaateeyo shacabka, hase ahaatee ay dowladdu goobahaasi u diri doonto khubaro xaqiijiya ammaanka.

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Maxamed Cali oo isna shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM guulaha ay ka soo hooyeen dagaalladii ay Al-Shabaab kula galeen magaalada Muqdisho, ayagoona maanta gacanta ku haya guud ahaan caasimadda taasoo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Shirkan jaraa'id ee madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmay xilli ay saak aroornimadii hore ay saraakiishii iyo ciidamadii Xarakatul Shabaab ay gebi ahaanba isaga baxeen degmooyinkii ay ka maamuli jireen magaalada Muqdisho, meelahaas oo hadda qaarkood ay gaareen ciidamada Dowladda Soomaaliya.


Add New Comment