Ciidamada Dowladda KMG iyo ku AMISOM oo gaaray qaar ka mid ah goobihii ay ka baxeen Al-Shabaab


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay si taxadar leh ugu sii durgaya goobihii ay banneeyeen dagaalyahannadii Xarakatul Shabaab ee xalay saqdii dhexe isaga baxay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo idaacadaha maxaliga ah u warramayey ayaa caddeeyey in ciidamadoodu ay haatan ku sugan yihiin goobo ay ka mid yihiin Waddada 30-ka iyo  Jidka Warshadaha, waxayna xaqeejiyeen inay dhowaan gaari doonaan saldhigyadii ugu waaweynaa ee Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa.

Sarkaal lagu magacaabo Afrax Cali Afrax oo ka mid ah taliyeyaasha ciidanka dowlada oo u warramayey warbaahinta ayaa sheegay in Xarakatul Shabaab ay ka baxeen magaalada Muqdisho kaddib markii ay ku jabeen dagaal ballaaran oo ay habeennimadii xalay ku soo qaadeen fariisimo ay magaalada kaga sugnaayeen ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Xarakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa goor sii horreysay caddeeyey in saraakiisha iyo ciidamada Xarakatul Shabaab ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, asagoona taas sabab uga dhigay in ay beddeleen qorshayaashoodi dagaal iyo inay u daneynayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dhanka madaxda sare ee Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaan weli wax war ah ka soo bixin, hase ahaatee shacabka magaalada Muqdisho ayaa aad u hadal haya waxa waqtigaan kusoo beegay ka bixitaanka xoogaggii Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada.

Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa loogaga fadhiyaa sida ay u maareeyaan amaanka guud ee magaalada, kaddib markii si lama filaan ah ay gacantooda ugu soo noqotay magaalada.


Add New Comment