Golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ku kulmay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, kulankaasoo loogaga wada hadlay arrimaha ammaanka iyo xaaladda dadka ku barakacaya abaaraha ka jira dalka.
Kulanka Golaha wasiirada ayaa waxa shir-guddoominayey ra'iisul-wasaaraha xukuumadda Dr. Cabdiwali Maxamed Cali waxaana si weyn loogaga hadlay guulihii ay ciidamada Dowladda KMG dhowaanta ka gaareen dagaalladii ay magaalada Muqdisho kula galeen Xarakatul Shabaab, sidoo kalena waxaa lagaga hadlay abaaraha ka jira dalka iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.
Kulanka intii uu socday ayaa waxa ay xubnaha golaha wasiirrada ammaan u soo jeediyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayagoona ku ammaanay horumarka ay ka sameeyeen dagaallada ka socda magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee u qabsooma Golaha wasiirada Soomaaliya tan markii la riday xukuumadda hore ee uu hoggaaminayey ra'iisul-wasaarihii shacbiyadda weyn ku lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.