Waxaan umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed guud ahaan iyo aqristayaasha Shabakadda SilGor ugu hambalyeyneynaa munaasabadda Ciidu Fitriga, waxaanna dhammaantood Allaah uga baryeynaa inuu aqballo cibaadadoodii bishii barakeysneyd ee Ramadaan - AMIIN -
Umadda Soomaaliyeed waxaan Ilaah uga baryeynaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo, sidoo kalena uu Allaah u sugo iimaankooda iyo caqiidadooda, dhibaatada ay abaaruhu ku haayaana uu ka saaro.