Wafdi ka socda qoyska reer boqor ee Boqortooyada Sacuudiga uuna hoggaaminayo Amiir Waliid Bin Talaal oo ah ganacsade weyn ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay indhahooda ugu soo arkaan dhibaatada ka dhalatay abaaraha ku dhuftay gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Wafdiga Sacuudiga ayaa ugu horreyn booqday qaar ka mid ah xeryaha ay magaalada Muqdisho kaga nool yihiin dadka kasoo barakacay gobollada dalka iyo cusbitaalka Banaadir oo ay ku arkeen carruur la ildaran nafaqo-darro, kaddibna waxaa loo kaxeeyey dhanka madaxtooyada oo ay kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Amiir Al-Waliid ayaa warbaahinta u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Muqdisho oo nabad ah, hase ahaatee uu aad uga xun yahay dhibaatada bani'aadanimo ee soo wajahday shacbiga Soomaaliyeed
ballanna ku qaaday in Boqortooyada Sacuudigu ay caawini doonto carruurta iyo dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed.
Amiir Al-Waliid Bin Talaal ayaa ah ninka ugu qanisan Boqortooyada Sacuudiga, kana mid ah shaqsiyaadka ugu hantida badan caalamka, wxaana booqashadiisani ku weheliyey xaaskiisa, xubno ka tirsan qoyska reer boqor iyo ganacsato waaweyn oo u dhashay dalkaasi.
Abaaraha Soomaaliya ayaa sida la sheegay ah kuwii ugu xumaa muddo 60 sano ah, ayadoona markan ay ummadda Soomaaliyeed abaaraha u weheliyaan fowdo, kala dambeyn la'aan iyo colaado soo socday muddo ka badan 20 sano oo xiriir ah.