Guddiga wadajirka ah ee amniga dalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay ku shiray magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u shirguddoominayey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo ku-xigeenka wakiilka Midowga Afrika Wafulu Wmanyinyi.
Shirkan oo ah kii 9-aad ee uu guddigu yeesho ayaa waxa markii ugu horreysay maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo ku timid isbeddeladii dhowaanta ka dhacay magaalada, kaddib markii xoogaggii Xarakatul Shabaab ay banneeyeen aagag badan oo ay magaalada kaga sugnaan jireen.
Waxaa sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa ergooyin ka kala socday ururrada Jaamacadda Carabta, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub sidoo kale waxaa ayaguna ka qaybgalay shirka dalal dhowr ah oo daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen dalalka Mareykanka, Jarmalka, Norway, Faransiiska, Swedan iyo Denmark
Arrimaha kulanka loogaga wadahadlay ayaa waxaa u badnaa sidii loo sugi lahaa amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya oo imuddo ka badan 20 sano ku jiray dagaal iyo qas siyaasadeed oo u dhexeeyey xoogaggii isku hayey waddanka.
Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli iyo Amb. Mahiga oo markii shirku soo dhammaaday kaddib labaduba warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay ku qabashada shirka lagu qabtay magaalada Muqdisho inay daliil cad u tahay horumarka laga sameeyey dhinaca nabadgelyada, wuxuuna Amb. Mahiga intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysan doonto horumarinta dhinacacyada amaanka iyo dib-u-dhiska.
Guddigan wadajirka ayaa waxaa loo aasaasay inuu ka shaqeeyo sidii Soomaaliya ay uga bixi lahayd fowdada iyo xasilooni la'aanta, waxaana howshiisa ugu weyni ay tahay sidii Dowladda Soomaaliya loogaga caawini lahaa soo dhisiida hay'adaha amaanka iyo maamul wanaagga dalka.