Xukuumadda Norway ayaa kaddib wada-tashiyo ay la yeelatay xisbiyada ku jira Barlamaanka kaddib go'aansatay in maanta oo axad ah taariikhduna tahay 21 Agoosto la sameeyo munaasabad lagu xusuusanayo dadkii ku waxyeeloobay falkii argagixiso ee bishii Luulyo ka dhacay xarunta dowladda ee magaalada Oslo iyo jasiiradda Utøya.

Munaasabadda ayaa waxa ay ka dhici doontaa meesha loo yaqaan Oslo Spektrum maanta oo Axad ah saacaddu marka ay tahay 15:00 ama 3-da galabnimo, waxaana kasoo qaybgeli doona ra'iisul-wasaaraja Norway Mr. Jens Stoltenberg.
Waxaa munaasabadda lagu casuumi doonaa dadkii dadkooda ku waayey weerarradii argagixiso, kuwii ka badbaaday iyo kuwii ay saameynta tooska ahi ku yeelatay dhacdadaasi, sidoo kale waxaa ayagana munaasabadda ka qaybgeli doona shaqaalihii gurmadka, shaqaalihii caafimaadka iyo intii gacanta bani'aadaminimo ka geystay markii falalka argagixiso ay dhaceen, waxaan ayagana ka maqnaan doonin madaxda sar sare ee dalka.
Weerarradaa argagixiso oo ay ku naf waayeen dad tiradooda lagu qiyaasay 77 qof ayaa waxaa geystay nin xagjir garabka midigta ah oo lagu magacaabo Anders Behring Breivik, kaddib markii uu qaraxyo ka geystay xarunta xafiisyada dowladda ee magaalada Oslo, togashana ku laayey ardey yar-yar oo jasiiradda Utoya ku dabaaldegayey, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wiil gabar Soomaali ah.