Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping


Madaxweynaha Sooaaliya Sheekh Shariif Sheekh Amxed ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin dowladda ka tirsan sida ra’iisul wasaaraha C/weli Maxamed Cali, guddoomiyaha barlamaanka Shariif Xsan Sheekh Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahim.

Shirka ayaa looga hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray amniga iyo sidii loo xoojin lahaa, qalabaynta iyo tababarka ciidanka dowlada KMG ah, abaaraha iyo shirka soo socda ee IGAD oo ka dhici doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

villa.jpgMadaxweyne Shariif ayaa u sharaxay guddoomiyaha Midowga Africa in horumarka amniga lagu daro horumarka arrimaha bulshada sida dib u dhiska wadooyinka, iskuulada, isbitaalada IWM.

“Shacabku waa in looga faa’iideeyaa amniga, waa inay dareemaan horumar, dowladana fursad bay u tahay taas,” ayuu Sheekh Shariif ka sheegayy shir jaraa'id oo isag iyo Jean Ping ay si wadajir ah u qabteen kaddib kulankoodi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Miwoga Afrika ayaa shirkooda jaraa'id ku sheegay inay isku afgarteen qodobadii ay kawada hadleen oo dhan.

Socdaalka Jean Ping uu ku yimid Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu ku yimiddo Mudisho, waxaana socdalkiisan uu kusoo beegmayaa iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay si isdaba joog ah u soo booqanayeen Muqdisho madax iyo xubno ka socday dalalka caalamka.

Add New Comment