Ra'iisul wasaaraha Turkiga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo oo dhowaan soo gaaray magaalada Muqdisho


SHARIF_ERDOGAN.jpgRa'iisul wasaaraha Turkiga Mr. Recep Tayyip Erdoğan iyo wafdi ballaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhoweyd kasoo dagay gegide dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, si ay indhahooda ugu arkaan inta ay gaarsiisan tahay dhibaatada barakacayaasha abaaraha Soomaaliya.


Imaatinka wafdiga ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa waxa ay Dowladda Soomaaliya u sameysay diyaargarow heerkiisu aad u sarreeyo, ayadoona maalimihii ugu dambeeyey ay socdeen howlo lagu adkeynayo ammaanka magaalada iyo sidoo kale sawirrada labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo labada calan ee labada dal lagu qurxiyey garoonka dayaaradha iyo waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood.

Shacabka reer Muqdisho ayaa laga dareemayaa sida ay ugu faraxsan yihiin dareenka walaaltinimo ee ay u muujiyeen ra'iisul wasaare Recep Tayyip Erdoğan, dowladdiisa iyo dadkiisuba shacabka Soomaaliyeed waqti ay ku jiraan xaalad adag oo ay sababeen dagaalo sokeeye oo dalka ka socday in ka badan 20 sano iyo weliba abaar aad u daran oo saameysay guud ahaan dalka Soomaaliya oo dhan.

Wafdiga Dowladda Turkiga waxaa garoonka dayaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyey madaxweynaha Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxda sar sare ee dowladda Soomaaliya, xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiisha sar sare ee qaybaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.


Add New Comment